Horyaalada Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Abaalmarinta Ballon d’Or-ka Sanadka 2021.

Waxa dhawaan la soo saaray xiddigaha 30-ka ah ee u tartami doona abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadka 2021 iyada oo xiddigaha ugu waaweyn u tartami doonaan ku guulaysiga abaalmarinta sanadkan.

Xiddigaha Lionel Messi, Cristaino Ronaldo ayaa hogaaminaya xiddigaha u tartami doona abaalmarinta sanadka Ballon d’Or xilli la isku diyaarinayo in la shaaciyo xiddiga ku guulaystay abaalmarinta.

Horyaalka Premier League ayaa xiddigaha ugu badan ku leh xiddigaha u tartami doona Abaalmarinta marka la gaadho wakhtigeeda iyaga oo 14 xiddig ku leh xiddigaha u tartamaya abaalmarinta.

Waxa ku xiga horyaalka La Liga oo 5 xiddig ku leh xiddigaha u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadka 2021.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Horyaalada xiddigaha ugu badan ku leh xiddigaha u tartamaya abaalmarinta:

  1. Premier League (14)
  2. La Liga (5)
  3. Serie A (5)
  4. Ligue 1 (4)
  5. Bundesliga (2)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*