Horyaalada Lacagta Ugu Badan Suuqii Xagaaga Galiyay Oo La Soo Saaray.

Lacagta la galiyay suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa hoos u dhacay markii ugu horaysay muddo 10 sano ah laakiin kooxaha reer England ayaa lacagta ugu badan suuqa galiyay.

Sidoo kale kooxaha England ayaa la soo saxiixday xiddigaha ugu badan suuqii xagaaga iyaga oo la soo saxiixday 485 xiddig iskana iibiyay ama iska fasaxay 524 xiddig.

Kooxaha ka dhisan Spain iyo Horyaalada heerarka 2-aad iyo 3-aad ee Portugal ayaa ku jiraa kaalinta 3-aad kadib markii ay FIFA soo saartay warbixintii ugu dambaysay ee suuqii kala iibsiga xagaaga.

Kooxaha reer England gaar ahaan premier League ayaa suuqa galiyay lacag dhan 1.251 bilyan dollar iyaga oo ka badan horyaalka Italy oo suuqa galiyay 543 iyo horyaalka Spain oo suuqa galiyay 486 milyan dollar.

Sii Akhriso: Somaliland Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Doorashooyinka Golaha Baarlamaanka Matalaya Somaliland Ee Jooga Ee Somaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*