Hordhac:Sevilla Vs Man United: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Europa League

Kooxaha Man United & Sevilla ayaa caawa isaga hor iman doona kulanka Semi-final-ka 1-aad ee Europa League kulan ka dhici doona garoonka RheinEnergiestadion.

Kulankan ayaan odhan karnaa waa Final La soo hor mariyay marka loo eego in ay labada kooxoodba yihiin laba kooxood oo u qalma in ay gaadhaan Final-ka tartanka.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya Final-koodii 2-aad ee tartanka Europa League taariikhdooda.

Dhanka kale Sevilla ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ah kooxda ugu final-ka badan uguna guulaysiga badan tartanka Europa League kooxaha haatan ciyaaraya.

Kulanka: Sevilla Vs Man United

Tartanka: Europa Leageu

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: RheinEnergiestadion.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa iska xaadirisay Final-ka mid kasta oo ka mid ah 4-tii Semi-final eetartamada waaweyn ee yurub kuwaas oo kala ahaa 2007/2008, 2008/2009, 2010, 2011 iYO 2016/2017.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee ay yurub isaga hor yimaadaan kooxaha Man United iyo Sevilla labadii kulan ee hore ayaa ahaa wareega 16-ka champions League markaas oo ay Sevilla 2/1 ku badisay Old Trafford bar-barona galeen kulankii lugta kale.

Man United ayaa lagu abaalmariyay 21 rikoodhe tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan iyada oo uu ku jiro midkii ugu dambeeyay ee uu Bruno Fernandes dhaliyay kulankii Cophenhagen ee Wareega Quareter Final-ka.

Sevilla ayaa 3 jeer oo hore gaadhay Semi-final-ka Europa League waxana ay dhamaantood ku guulaystay koobka xilli ciyaareedkan iyada oo kaliya hal mar laga reebay tartanka 20-kii kulan ee bug baxa tartanka.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*