Hordhac:Liverpool Vs Leeds United: Reds Oo Bilaabanaysa Difaacashada Horyaalka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa bilaabanaysa difaacashada horyaalka premier League oo ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore iyaga oo kulankooda ku furan doona.

Liverpool ayaa sii dheereysan karta rikoodhkeeda guuldaro la’aanta ee garoonkeeda iyaga oo ka dhigi kara 60 kulan maadama oo aan looga badin tan ilaa April sanadkii 2017.

Dhanka kale kooxda Leeds United ayaa ciyaari doonta kulan ka tirsan Premier League markii ugu horreysay muddo 16 sano ah.

Kulanka: Liverpool Vs Leeds United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Mohamed salah ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee Liverpool ah ee gool ka dhaliya kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah.

Tan iyo guuldaradii 2-1 ee Premier League ee bishii April sanadkii 2001 Liverpool ayaan laga badinin sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Leeds tartamada oo dhan.

Leeds ayaan laga badinin 120kii kulan ee ugu dambeeyay ee fuirtaan premier league waana rikoodhkii ugu fiicnaa ee tartanka tan ilaa dagaalkii 1-aad ee adduunka.

Marcelo Bielsa ayaa noqon doona tababaraha labaad ee ugu da’da weyn ee dagaalkii 1-aad ee adduunka kadib iyada oo uu tabaabre Dick Advocaat yahay tababaraha haatan ugu weyn ee kulankiisii ugu horeeyay hogaamiyay isaga oo jiray 65 iyo 53 maalin.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*