Hordhac:Bayern Munich Vs Barcelona: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Sida Weyn Looga Sugayo Adduunka

Kulanka xiisaha iyo xamaasada badan ee sida weyn loo sugayay ayaa caawa ka dhici doona garoonka Estadio da Luz kulan ka tirsan Quarter-Final-ka ama 8 dhamaadka tartanka champions League.

Bayern Munich oo la odhan karo waa kooxda ugu fiican kooxaha ilaa haatan tartanka ku hadhay ayaa kulanka soo galaya iyaga oo guul weyn ku soo gaadhay wareegan.

Dhanka kale kooxda Barcelona oo dhankeeda awood ku muquunaysay kooxda Napoli ayaa doonaysa in ay sii wadato qaab ciyaareedkeeda cajiibka ah.

Kulanka: Bayern Munich Vs Barcelona

Tartanka: Champions Leageu

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Estadio da Luz

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona iyo Bayern Munich ayay labadooduba gaadhay Quarter-Final-ka champions League markii 18-aad halka ay guud ahaan gaadheen 24 iyo 23 jeer waana in ka badan koox kasta.

Barcelona ayaa sanadkii 13-aad oo xidhiidh ah gaadhay Quarter Final-ka champions League waana xilli ciyaareed kasta tan ilaa 2007/2008 waana rikoodh taariikhi ah oo tartanka uga yaala.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay Champions League isaga hor yimaadeen kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich tan ilaa 2014/2015 markaas oo ay Barcelona garaacday Bayern Munich kana reebtay Semi-final-ka tartanka si kasta ha ahaatee Barelona ayaa Bayern Munich kala kulantay guuldarada ugu badan iyaga oo guuldaro kala kulmay 5 ka mid ah 8 kooxood.

Barcelona ayaa isha ku haysa in ay gaadho Semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah markii ay sidaas samaysay intii u dhexaysay 2007/2008 iyo 2012/2013.

Bayern Munich ayaa badisay 8-dii kulan ee ay champions League xilli ciyaareedkan kaliya kooxda Barcelona oo 9 kulan badisay dhawr xilli ciyaareed ayaa ka badan.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*