
Kooxda Barcelona ayaa marti galinaysa kooxda Napoli kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.
Kulanka ayaa ah mid furan iyada oo koox walba soo bixi karto maadama ay labada kooxood bar-baro 1/1 ah ku soo kala bexeen lugtii 1-aad ee kulanka.
Barcelona ayaa iyadu u baahan in ay bar-baro 0/0 ah gasho si ay u soo baxdo halka Napoli looga baahanyahay in ay gool dhaliso si ay xaalka ugu xumayso kooxda Barcelona.
Kulanka: Barcelona Vs Napoli.
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 10:00
Garoonka: Camp Nou.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Barcelona ayaa markii ugu horaysay marti galin doonta kooxda Napoli kulan Rasmi ah, kooxdii ugu dambaysay ee kulankeedii ugu horeeyay ku badisay Camp Nou ayaa ah Rubin Kazan iyaga oo 2/1 ku garaacay Barca October 2009.
Labadii kulan ee hore ee ay Napoli ciyaartay kulamada bug baxa champions League ayaa laga badiyay iyaga oo guuldaro 1/4 ah kala kulmay chelsea bishii March 2012 iyo 1/3 ee bishii February sanadkii 2017 markaas oo ay guuldaro kala kulantay Real Madrid.
Barcelona ayaa wareega xiga u gudubtay 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ee bug baxa ee ay guuldaro ka fogaatay lugta 1-aad halka marka kaliya ee ay ku fashilantay in ay wareega xiga u gudubtay ahayd sanadkii 2002/2003 markaas oo ay bar-baro 1/1 ah la gashay Juventus lugta 1-aad.
Barcelona ayaan laga badin 35 kulan oo champions League ay ku ciyaartay garoonkeeda waana rikoodhka 2-aad ee ugu dheer taariikhda tartanka iyaga oo ka dambeeya kooxda Bayern Munich oo aan 43 kulan laga badin.
Be the first to comment