Hordhaca : West Ham Vs Arsenal : Gunners Rikoor Dhanka Guulaha Ayay Ku Leeyihiin Burusleyda

Arsenal ayaa kulan horyaalka ah waxa ay marti ugu yihiin West Ham waxa ayna kulankaas galayaan iyadoo Bukayo Saka uu ka sheeganayo dhaawac muruqa ah waxaana laga yaabaa in uu seegi ciyaartaan

Balse Aubameyang oo kulankii ugu dambeeyay horyaalka ee Arsenal iska dhex waayay ka dib markii laga fogeeyay shaxda sababo la xariira in Protocolka kooxda uu jibiyay waxaa la filayaa in uu ku soo biloowdo

Xogta Kulanka

*West Ham ayaa guul guul dareystay 32 kulan oo qeyb ka  ah 49 kulan oo hore oo horyaalka ee ay la ciyaareen Arsenal , kaliya waxa ay badiyeen  8 jeer halka 9 ay galeen bar bar dhac.

*West Ham kaliya waxa ay badiyeen sedex kulan oo qeyb ka ah 24 kii kulan ee hore ee horyaalka ee lagu ciyaaray garoonkooda  ayna ku wajaheen Arsenal .

* Kooxda burusleyda waa ay badiyeen 5 kulan oo qeyb ka ah lix kulan hore oo horyaalka ah oo ay ku ciyaareen garoonkooda

*Tababare David Moyes kaliya waxa uu Arsenal ka badiyay 4 jeer ka dib 31 kulan oo uu kaga hor tagay horyaalka , 8 bar bar dhac ayuu galkay halka 19 kalana uu guul dareystay .

  • Arsenal waxa ay haystaan 20 dhibic oo banaanka garoonkooda ah xilli ciyaareedkaan
  • Lacazette waxa uu  West Ham ka dhaliyay 4 gool ka dib 5 kulkan oo uu ka hoir tagay kooxdaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*