Hordhaca Man City Vs Dortmund: Kooxda Reer Jarmal 2016-dii Ayaa Ugu Dambeeysay Wareegga Quarter Finalka

Man City ayaa kulan adag ee lugta koowaad ee wareegga quater finalka Champion-ka waxa ay ku marti gilinayaan Dortmund waana kulan ay adag tahay saadashiisa
Xogta Kulanka

* Man City iyo Dortmund ayaa horay Champion-ka ugu kulmay wareegga Group–yada xilli ciyaareedkii 2012/2013-ka , kulankii Etihad min hal gool ayuu ku dhamaaday halka lugtii labaad ee garoonka Iduna Park ay guusha ku raacday kooxda reer Jarmal oo ku badisay hal gool.

* Man City waa ay badiyeen 10 kulan oo qeyb ka ah 11 kii kulan ee ugu dambeeyay Champion-ka ee ay la ciyaareen koox ka socota Jarmalka xilli halka kulan kale ay galeen bar bar dhac .

* Marka laga yimaado guul daradii Lazio kala kulmeen ee wareegga Group-yaad , Dortmund waa bilaa guul darro , 7 dii kulan ee ugu dambeeyay Champion-ka , 5 jeer waa ay badiyeen halka labana ay galeen bar bar dhac

* Man City waxa ay guul dareysteen afar kulan oo qeyb ka ah 5 tii kulan ee ugu dambeeyay ee quater finalka champiopn-ka iyadoo macalin Pep uu hogamainayo halka sedex sedexdii xilli ciyaareed ay ku harayeen wareeggaan

* Waa markii ugu horeeysay ee Dortmund imaanyaan wareegga quater finalka tan iyo xilli ciyaareedkii 2016/2017-dii waxaana waqtigaas isku geynta labada is arag 6/3 ku reebtay kooxda Monaco

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*