Hordhaca: Kulamada Crysta Palace Vs Man City & Chelsea Vs Fulham: Xaqiiqooyinka Aad Uga Baahantahay Labada Kulan.

Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace iyaga oo doonaya in ay talaabo u qaadaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Fulham kulan ay doonayaan in ay u sii dagaalamaan u soo bixista boosaska champions Leageu xilli ciyaareedka dambe.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal il ku haya kulanka salaasada ee champions League waxana la filayaa in uu Pep Guardiola is badalo ku sameeyay shaxdiisa kulankan.

Sidoo kale chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal il ku haya kulankooda Real Madrid ee Arbacada laakiin Thomas Tuchel ayaan la filayn in uu is badalo weyn ku sameeyo shaxdiisa maadama ayna kooxdiisu wali xaqiiqsan booskooda.

XAQIIQOOYINKA KULAMADA:

Chelsea ayaan laga badinin 18kii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Fulham tartamada oo dhan.

Man City ayaa barbareyn karta rikoorka Premier League ee 11 guul oo Xidhiidh ah kulamada martida horyaalka premier League iyaga oo bar-barayn doona chelsea iyo laftooda oo horay u dhigay rikoodhka intii u dhaxeysay April-December  2008 iyo May-December 2017.

Kulamada Premier League ee London derbies xilli ciyaareedkan, Chelsea ayaa guulaha ugu badan leh (6), dhibcaha ugu badan (19) iyo goolasha ugu badan (15).

Raheem Sterling ayaa ku lug yeeshay toddobo gool toddobadiisii ​​kulan ee ugu dambeysay oo uu ciyaaray oo uu ka horyimid Palace, wuxuu dhaliyay lix gool, halka uu caawiyay hal kale.

Fulham ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ku ciyaaraan meel ka baxsan garoonkooda xilli ciyaareedkan, iyagoo barbaro la galay Spurs, Crystal Palace iyo Arsenal.

Isaga oo leh 10 gool ilaa haatan, Wilfried Zaha ayaa hal ka dambeeya goolashii ugu badnaa ee uu abid dhaliyay xilli ciyaareed premier League waana xiddigii 2-aad ee Crystal Palace u ciyaara ee 10 gool dhaliya 2 xilli ciyaareed oo kala duwan kadib Luka Milivojevic.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*