Hordhaca: Chelsea Vs Atletico Madrid : Chelsea Oo Leh Rajo Wareegga 8-da Ugu Gudbi Karaan Marka La Eego Taariikda

MANCHESTER, ENGLAND - FEBRUARY 11: The Chelsea FC and Atletico Madrid club badges on their first team home shirts on February 11th, 2021 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Visionhaus/Getty Images)

Chelsea ayaa hamineysaa guul ay ka gaaraan Atletico Madrid si wareegga 8-da Champion-ka isaga xaadirayaan waxa ayna kulankii hore ku soo badiyeen hal gool oo nadiif ah waxaana la joogay garoonka kooxda reer Spain

Xoigta Kulanka

*Atletico Madrid ayaa guul dareystay sedexdii kulan ee ugu dambeeyay Champion-ka ee ay la ciyaareen Chelsea ,

*Chelsea waligeed lagama madin tartamada yurub ee wareegga bug baxda ka dib markii ay lugta hore ee banaanka garoonkooda ku soo badiyeen

* Thomas Tuchel kaliya waxaa kaliya laga badiyay  sedex kulan  oo qeyb ka ah 16 kulan  Champion-ka ah waliba garoonkiisa ah isga oo tababare ah , waxa uu badiyay 11 jeer halka midna uu galay bar bar dhac .

*Atletico kaliya waxa ay badiyeen laba jeer 10- kulan oo banaanka garoonkooda ah iyadoo la joogo wareegga bug baxda , laba bar bar dhac iyo lix guul darro aay wataan

  • Weeraryahanka Chelsea ee Giroud  haddii kulankaan gool dhaliyo waxa uu noqonayaa xiddigii  labaaad ee ugu da`da weynaa ee labada is arag ee wareegga bug baxda Champion-ka gool dhaliya marka laga yimaado  Zlatan kaasi oo da`da 34-ka sano iyo 158 ahaa waxa uuna sameeyay markii uu PSG joogay waqtigaas oo Chelsea uu ka hor tagay xili ciyaaredkii 2015/2016-ka , waxa uuna wiilka rere France jiraa haatan 34 sanon iyo 168 maalin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*