Hordhac: Villarreal Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Doonaysa In Ay Soo Laabato Ceebtii Mestalla.

Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Villarreal kulan ka tirsan todobaadkii 10-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Estadio de La Ceramic.

Kooxda Villarreal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaainta 2-aad ee kala saraynta horyaalka waliba badiyay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay.

Dhanka kale Real Madrid ayaa kulanka soo galaya iyaga doonaya in ay ka soo kabsadaan guuldaradii ceebta ahayd ee ka soo gaadhay Valencia ka hor fasaxii xulalka.

Kulanka: Villarreal Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15

Gaoronka: Estadio de La Ceramic.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Villarreal ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee ay La Liga garoonkeeda ku marti galisay Real Madrid iyada oo guushaas dhacda bishii December 2015.

Real Madrid ayaa bar-baro gashay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Villarreal horyaalka La Liga laakiin waxa ay 2/0 ku garaaceen kulankii ugu dambeeyay ee ay Villarreal kula ciyaareen garoonka Estadio de La Ceramic.

Real Madrid ayaa laga badiyay 2 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga waana in ka badan guuldarooyinkii 33-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*