Hordhac: Tottenham Vs Man United: Red Devils Oo Aar Gudasho U Soo Galaysa Kulanka

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Tottenham kulanka ugu xiisaha badan Premeir League todobaadkan kulan ka tirsan todobaadkii 31-aad ee horyaalka premier League.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka aarsadaan Tottenham kuwaas oo 6/1 uga badiyay kulankii labada kooxod ee ku dhexmaray Old Trafford bilowgii xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Tottenham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u dagaalamaya boosaska ugu sareeya horyaalka premier League ee loogu soo boxo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: Tottenham Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Spurs ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay ee labo jeer Ka Badisa kulan Premier League ah kooxda Man United halka ay sidoo kale Tottenham ka gaadhi karto Red Devils laba guul xilli ciyaareed kaliya premier Leaue.

Harry Kane ayaa u baahan hal gool si uu u gaadho goolkiisii 20-aad xilli ciyaareedkii 5-aad isaga oo noqon kara xiddigii 5-aad ee rikoodhkaas gaadha kadib Alan Shearer (todobo jeer), Sergio Aguero (lix) iyo Thierry Henry (shan).

Man Utd ayaan laga badinin 22 kulan oo ay marti ahaayeen Premier League kaliya kooxda Arsenal ayaa dhigtay rikoodh intaas ka dheer iyaga oo aan laga badin 23 kulan intii u dhexaysay August 2001 iyo September 2002 iyo 27 kulan intii u dhexaysay April 2003 iyo September 2004.

Mason Greenwood ayaa isha ku haya in uu dhaliyo 2 kulan oo xidhiidh ah premier League markii ugu horaysay July 2020 Kaliya Wayne Rooneyo (15 iyo Marcus Rashford (13) ayaa dhaliyay goolal ka badan Greenwood markii ay da’yarka ahaayeen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*