Hordhac: Spian Vs Croatia: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Group-ka B.

Kulanka ugu xiisaha badan euro 2024 ee manta ayaa dhexmari doona xulalka Spain Iyo Croatia kulan ka tirsan Group-ka B.

Labada xul ayaa ka mid ah xulalka ugu tunka weyn uguna khibrada badan qaarada yurub.

Xulka Spain oo u badan xiddigo da’yar ah ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka.

Dhinaca kale Croatia oo u badan xiddigo da’ ah ayaa doonaya in ay khibradooda ku muquuniyaan xulka Spain isla markaas badiyaan.

Kulanka: Spian Vs Croatia

Tartanka: Euro 2024

Wakhiga: 7:00

Garoonka: Olympiastadion Berlin

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xulalka Spian iyo Croatia ayaa iska hor imanaya Euro-da markii 4-aad oo xidhiidh ah marka kaliya ee ay dhacday in ay laba xul 4 tartan oo xidhiidh ah kulmaan waxa ay ahayd intii u dhexaysay 2008 ilaa 2020 iyada oo ay xulalka Spain iy Italy kulmeen.

Kulankii ugu dambeeyay Spian Iyo Croatia ayaa laga haliyay 8 gool iyada oo xulka Spain ku badiyay 5/3 waana kulankii ugu gooldhalinta badan taariikhda tartanka.

Spain ayaa ka qayb galaysa euro-da markii 12-aad waxana ay ku guulaystay 3 jeer waana kooxaha ugu guulaysiga badan tartankii.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga