Hordhac: Sheffield United Vs Chelsea: Blues & Thomas Tuchel Oo Isha Ku Haya In Ay Wada Gaadhaan Guushoodii 3-aad.

Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Sheffield United Kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Bramall Lane.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushoodii 3-aad oo xidhiidh ah intii uu Thomas Tuchel hogaaminayay kooxda Blues.

Dhanka kale kooxda Sheffield United aya kulanka soo galay iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican kadib guushii ugu dambaysay ee ay ka gaadheen premier League.

Kulanka: Sheffield United Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:15

Garoonka: Bramall Lane

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Sheffield United ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee Premier League ee ay gurigooda kula ciyaareen Chelsea.

Lixdii gool ee ugu dambeeyay ee uu dhaliyay xiddiga Billy Sharp ayaa Sheffield United u shaqeeyay 10 dhibcood iyada oo goolkii uu ka dhaliyay West Brom yahay goolkii 3-aad ee ay Sheffield United ku badisay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wada ciyaareen kooxaha Sheffield United iyo Chelsea ee ka dhacay garoonka Bramall Lane ayaan ku dhamaan bar-baro iyada oo Sheffield United badisay 9 Kulan halka ay chelsea badisay 6 kulan.

Chelsea ayaa badisay 10 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha maalinta ku bilowday kaalinta ugu hoosaysa horyaalka premier League Labada kooxood ee ayna ka badin ayaa ah Crystal Palace iyo West Brom.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*