Hordhac: Sheffield United Vs Arsenal: Gunners Oo Rikoodh Xun Ku Leh Bramall Lane

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Sheffield United kulan ka dhici doona garoonka Bramall Lane kulan ka tirsan horyaalka premier League kana tirsan todobaadkii 31-aad ee xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ayna wax guul ah gaadhin labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League iyo 3-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Dhanka kale kooxda Sheffield United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal lug kala baxay premier League xilli ciyaareedka dambe waliba doonaya in ay si fiican ku soo xidhaan xilli ciyaareedkooda.

Kulanka: Sheffield United Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 9:00

Garoonka: Bramall Lane

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Sheffield United ayaan laga badinin afartii kulan ee Premier League ee ay gurigooda kula ciyaareen Arsenal iyagoo badiyay labadii kulan ee ugu dambeysay kuna badiyay 1-0 2006/07 iyo 2019/20.

Kooxda Sheffield United Ayaa 15 kulan oo ka mid ah 24-ka guuldaro ee soo gaadhay kooxda looga badiyay 1/0 waana kooxda ugu badan ee taariikhda natiijadaas looga badiyay xilli ciyaareed kaliya.

Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka Premeir League, kaliya laba jeer ayay muddo intaas ka badan ku fashilmeen in ay shabaqooda ilaashadaan iyaga oo 11 kulan o xidhiidh ah gool bilihii March 2018 iyo February 2002.

Sideed ka mid ah 11-kii gool ee uu dhaliyay Alexandre Lacazette xilli ciyaareedkan horyaalka premier League waxa uu ka dhaliyay kulamada martida.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*