Hordhac: Rennes Vs Chelsea: Blues Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Ugu Dambaysay 5 Sano Ka Hor.

Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Rennes kulankii 4-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Stade de La Route de lorient.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya guul ka caawisa in ay sii haystaan hogaanka Group-ka oo ay haatan goolal kaga hayaan kooxda Seviila.

Dhanka kale kooxda Rennes ayaa doonaysa in ay guusheedii ugu horaysay ka gaadho wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Rennes Vs Chelsea

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 8:55

Garoonka: Stade de La Route de lorient.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 2-aad ee dhexmara Rennes iyo Chelsea kadib markii ay kulankii Stamford Bridge ku kulmeen ahaa midkii ugu horeeyay ee ay wada ciyaaraan champions League Blues ayaan kulankii hore ku badisay 3/0.

Rennes ayaa laba jeer oo hore marti galisay koox Premier League ah tartamada yurub iyaga ka hor tagay kooxaha Arsenal iyo Aston Villa waxana ay labada kulanba ahaayeen Europa League.

Chelsea ayaa badisay kaliya 2 kulan oo ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League booqatay France inkasta oo ay kulankoodii ugu dambeeyay 2/1 ku garaaceen kooxda Lille xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Chelsea ayaa isha ku haysa guushii 3-aad oo xidhiidh ah champions League markii ugu horaysay tan ilaa December 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*