Hordhac: Real Sociedad Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Bilaabanaysa Difaacashada Horyaalka

Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda mayalka adag ee Real Sociedad kulan ay Los Blancos bilaabanayso difaacashada horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Wiilasha Zidane oo si cajiib ah ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore horyaalka La Liga soona bandhigay awoodooda ayaa doonaya in ay halkii ka sii wataan xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Real Sociedad Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Anoeta Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ka dib seddex guul oo isku xigta oo ay gurigooda kaga gaareen Real Madrid La Liga intii u dhaxeysay 2002 2004, Real Sociedad ayaa kaliya badisay labo ka mid ah 13kii kulan ee ugu danbeysay ee gurigooda ee Real Madrid.

Real Madrid ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha ka dhisan gobolka Basque horyaalka La Liga dhamaan 4-ta kulan waxa ay ahaayeen xilli ciyaareedkii hore.

Real Madrid ayaan laga badin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay bilowga horyaalka La Liga iyaga oo badiyay 8 kulan 3 kalena bar-baro galay.

Real Madrid ayaa badisay 10 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka la Liga kulanka kaliya ee ayna badin ayaa ahaa kulankii Leganes ee xilli ciyaareedkii hore ku dhamaaday 2/2.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*