Hordhac: Real Madrid Vs Real Betis: Los Blancos Oo Rikoodh Xun Ku Leh Betis Kulamadii Ugu Dambeeyay

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Real Betis kulan adag oo ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 33-aad kaas oo ka dhici doona garoonka.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay si ku meel gaadh ah ula wareegaan hogaanka horyaalka La Liga kaas oo ay haatan 3 dhibcood kaga dambeeyaan kooxda ay jaarka yihiin ee Atletico Madrid.

Dhanka kale Real Betis ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u dagaalamaya boosaska Europa League xilli ciyaareedka dambe waxana ay isha ku hayaan guul iyo 3-da dhibcood oo muhiim u ah.

Kulanka: Real Madrid Vs Real Betis

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Alfredo Di Stefano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa laga badiyay 2 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Real Betis la ciyaartay La Liga waana in ka badan intii ay guuldaro kala kulantay 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka.

Real Madrid ayaan badin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Real Betis kula ciyaartay garoonkeeda waana rikoodhkoodii ugu xumaa ee ay ku lahaayeen koox soo booqatay tartanka La Liga.

Real Betis ayaa kaliya laga badiyay hal kulan oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahaayeen horyaalka La Liga guuldaradaas ayaana timid bishii March ee la soo dhaafay.

Real Madrid ayaan wax gool ah ka dhalin Real Betis 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti galisay kooxda Real Betis waana rikoodhkooda ugu xun ee ay ku leeyihiin koox marti u ah taariikhda tartanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*