Hordhac: Real Madrid Vs Osasuna: Los Blancos Sida Guuldarada Loogala Kulmo Osasuna Ma Taqaano.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Osasuna kulan ka tirsan todobaadkii 33-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Alfredo Di Stefano.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan tartanka ay ugu jiraan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha.

Sidoo kale kooxda Madrid ayaa doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay bar-baro galeen labadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Zidane ayaa la filayaa in uu is badal weyn ku sameeyo shaxdiisa maadama uu hal il ku hayo kulanka lugta 1-aad ee bartamaha todobaadka ee champions League.

Kulanka: Real Madrid Vs Osasuna

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Alfredo Di Stefano.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaan laga badin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Osasuna horyaalka La Liga tan ilaa January 2011 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen.

Garoonkooda, Real Madrid ayaa badisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Osasuna markii ugu dambaysay ee ay kulanka Osasuna dhibco ku lumiyeen ayaa ahayd bishii December 2005 markaas oo ay bar-baro 1/1 ah la galeen.

Real Madrid ayaa bar-baro gasay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyaga oo badiyay kaliya hal kulan waliba 3-dii kulan ee ugu dambeeyay bar-baro galay iyada oo markii ugu dambaysay ee ay 3 kulan bar-baro gashay ahayd December 2019.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ma Doonaysaa In Uu Guulaysto Kulankaaga Ugu Horeeya Ee Gacaliyahaaga, 4-tan Arin Ka Fogow, Ma Fiicna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*