Hordhac: Real Madrid Vs Inter Milan: Labada Kooxood Oo Raadinaya Guushoodii Ugu Horaysay Ee Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa kulan adag marti galin doonta kooxda Inter Milan kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo raadinaya guushoodii ugu horaysa ee tartanka champions league kadib markii ay bar-baro galeen labadii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka.

Sidoo kale Inter Milan ayaa raadinaysa guushoodii 2-aad kadib markii ay bar-baro galeen labadii kulan ee ay ciyaartay tartanka champions League.

Kulanka: Real Madrid Vs Inter Milan

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Estadio Alfredo Di Stefano.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Real Madrid ayaa badisay 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ay tartamada yurub ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda Inter Milan.

10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub dhexmara kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan waxa badiyay kooxda martida loo ahaa tan ilaa markii ay kooxda martida ah badisay sanadkii 1967 markaas oo ay Inter garaacday Madrid.

Tartamada yurub oo dhan kaliya kooxda Lyon oo ay 30% cel-celis ahaan ku leedahay guulaha ayaa ah kooxda ugu yar ee ay Los Blancos ku leedahay cel-celiska ugu yar ee guulaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*