Hordhac: Real Madrid Vs Elche: Los Blancos Oo Isha Ku Haysa Sii Dheeraysashada Hogaanka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galinaysa kooxda Elche kulan ka tirsan horyaalka La Liga maalmo yar kadib markii ay isku arkeen tartanka Copa del Rey-ga oo ay Real Madrid badisay.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay sii wadato guulaha kuna sii dhawaato ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Elche oo badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka aarsadaan Real Madrid waliba qabtaa.

Kulanka: Real Madrid Vs Elche

Tartanka: La Liga

Wakhtig: 6:15

Garoonka: Santiago Bernabue

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaan laga badin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay La Liga ay la ciyaartay kooxda Elche iyaga oo ugu yaraan dhaliyay 2 gool 9 kulan oo ka mid ah 11-kaas kulan.

Real Madrid ayaa guuldaro ka fogaatay 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay La Liga garoonkeeda kula ciyaartay Elche iyaga oo ugu yaraan gool dhaliyay kulan kasta waana kooxda 2-aad ee ayna kulamada intaas leeg guuldaro kala kulmin garoonkeeda.

Elche ayaa guuldaradeedii ugu weynayd ee horyaalka La Liga kala kulantay Real Madrid sanadkii 1969 markaas oo ay Real Madrid ku badisay 11/2.

Real Madrid ayaan laga badin 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay tan ilaa guuldaradii 2/1 ahayd ee ka soo gaadhay levante bishii January 2021