Hordhac: PSG Vs Man City: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha Badan Ee Champions League.

Kooxda PSG ayaa marti galin doonta kooxda Man City kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Kulanka ayaa ah mid ay kooxda PSG kulanka soo gali doonto iyaga oo isha ku haya guushoodii ugu horeeyay ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa isha ku haysa guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah wareega Group-yada tartanka kadib markii ay badiyeen kulankoodii 1-aad.

Kulanka: PSG Vs Man City

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Parc des Princes

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

PSG iyo Man City ayaa kulmi doona markii 6-aad iyada oo kooxda reer France wali raadinayso guusheedii ugu horaysay kadib 3 guuldaro iyo 2 bar-baro oo ay la gashay Man City.

Man City ayaan laga badin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee kulamada martida champions League iyaga oo aan sidoo kale guuldaro la kulin kulan ay ka maqanyihiin England tan ilaa December 2017.

PSG ayaa guuldaro kala kulntay 4 kulan oo ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha reer England tartanka champions League halka ay kooxda reer France guuldaro kala kulantay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda PSG ayaa ku fashilantay in ay shabaqooda ilaashato dhamaan 4-tii kulan ee ay champions League la ciyaareen kooxda Man City kaliya Ac Milan ayaa ciyaartay kulamo intaas ka badan oo ayna shabaqooda ilaashan.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*