Hordhac: Napoli Vs Liverpool: Reds Oo Rikoodh Xun Ku Leh Garoonka Napoli.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Napoli kulan adag oo ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Stadio Diego Armano Maradona.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka champions League isla markaas ka baxaan rikoodhka xun ee ay ku leeyihiin Napoli.

Dhinaca kale kooxda Napoli ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guul ka gaadhaan kulanka si ay natiijo fiican u helaan fursad fiican marka la eego in Group-ku yahay mid adag.

Kulanka: Napoli Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Stadio Diego Armano Maradona

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Napoli iyo Liverpool ayaa kulmi doona wareega Group-yada tartanka champions League 3 ka mid ah 5-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, iyada oo kooxda reer Italy badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti galisay Liverpool.

Kooxda Napoli ayaa badisay 5 ka mid ah 6 kulan oo champions league ay la ciyaartay kooxaha premier League iyaga oo kaliya guuldaro kala kulmay Man City bishii November 2017.

Liverpool ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida u ahaayeen kooxaha reer Italy tartanka champions League.

Kooxda Liverpool ayaa badisay dhamaan 6-dii kulan ee wareega Group-yada tartanka champions league xilli ciyaareedkii hore ma jiro koox reer Premier League ah oo taariikhda badiyay 7 kulan oo xidhiidh ah.