Hordhac: Marseille Vs Man City: Wiilasha Guardiola Oo Aan Rikoodh Fiican Ku Lahayn Kooxaha Reer France.

Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda Marseille kulan ka tirsan kulankii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul weyn ku bilowday tartanka xilli ciyaareedkan kadib guul soo laabasho leh oo ay ka gaadheen kooxda Porto.

Dhanka kale Marseille ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya guushoodii ugu horeeyay kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Olymbiacos.

Kulanka: Marseille Vs Man City

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Stade Velondrome

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man Cit ayaa markii ugu horaysay la kulmi doonta kooxda marseille tartamada yurub.

Kooxda Man City ayaa kaliya badisay 2 kulan 7-dii kulan ee champions league ee ay la ciyaartay kooxaha reer France.

Marseille ayaa kaliya hal guul ka gaadhay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka champions League ay la ciyaartay kooxaha reer England.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*