Hordhac: Manchester United vs Watford: Red Devils Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Watford.

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Watford kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo si xun uga hadhay tartanka Semi-final-ka Carabao cup-ka kadib guuldaro ay kala kulmeen Man City.

Sidaas darteed Red Devils ayaa doonaysa in ay ku soo laabtaan wadada guulaha waliba iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka xilli ciyaareed.

Dhanka Kale Watford ayaa kulanka soo galaysa in ay isku daydo in ay ka yaabsato United kana reebto tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Man United Vs Watford

Tartanka: FA Cup-ka

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa Watford ka badisay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kula kulantay FA Cup-ka iyaga oo kulankoodii ugu horeeyay kaga badiyay 4/1.

Tartamada oo dhan Watford ayaa guuldaro kala kulantay Man United 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen kooxda Man United.

Man United ayaa wareega xiga u gudubtay 33 ka mid ah 35-kii kulan ee FA Cup-ka wareega 3-aad ee tartanka iyaga oo kaliya laba kulan ku fashilmay.

Kooxda Watford ayaa laga reebay tartanka 10 jeer marka ay ka hor yimaadeen kooxaha ka ciyaara horyaalka premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaa Keena Hoose U Dhaca Ninka Ee Rabitaanka Kulanka Sariirta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*