Hordhac: Man United Vs Tottenham: Man United Oo Doonaysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Xun Oo Lagu Dhigay 33 Sano Ka Hor.

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayaa ah kulanka Old Trafford ku dhexmari doona kooxaha Man United & Tottenham kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Manchester United ayaa sii dheereysan karta rikoorkeeda guuldaro la’aanta kulamada ay la ciyaarto Tottenham horyaalka premier League iyaga oo ka dhigi kara 4 kulan.

14-tii kulan ee ugu dambeeyayy ee labada kooxood dhexmaray ayaan ku dhamaan bar-baro iyada oo Red Devils badisay 11 halka Tottenham badisay 3.

Kulanka: Man United Vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30

Garoonka: Old Trafford

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Bruno Fernandes ayaa ku lug yeeshay 17 gool 16 kulan oo Premier League ah oo uu u ciyaaray Man United (9 gool, 8 caawiye).

Red Devils ayaa shabaqa soo taabatay mid kasta oo ka mid ah 15kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League waana rikoodhkii ugu dheeraa ee koox haatan ku leedahay premier League.

Tababaraha Spurs Jose Mourinho ayaa raadinaya guushiisii ​​ugu horeysay toddobo kulan oo marti ah oo uu wajaho kooxihii uu horey u soo maamulay.

Man United ayaa kaliya laga badiyay labadii kulan ee ugu horeeyay ee garoonkeeda premier League horyaalka iyada oo labadaas jeer guuldaro kala kulantay kooxaha West Ham iyo Charlton Athletic xilli ciyaareedkii 1986/1987.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*