Hordhac: Man United Vs Man City: Kooxaha Jaarka Ah Oo Markii 4-aad Isaga Hor Imanaya Semi-final-ka Carabao Cup

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Man City kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford kana tirsan Semi-final-ka tartanka Carabao Cup.

Labada kooxood ayaa kulmi doona markii 2-aad xilli ciyaareedkan kadib markii ay bar-baro ku kala bexeen kulan horyaalka ah oo ka dhacay Old Trafford.

Labada kooxood ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo isha ku haya gaadhista Final-ka tartanka Carabao Cup-ka ee xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Man United Vs Man City

Tartanka: Carabao Cup

Wakhtiga: 10:45

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii afaraad oo Man Utd iyo Man City ay ku kulmaan semi-finalka Carabao Cup iyaga oo horay ugu kulmay 1969-1970, 2009-2010 iyo 2019-2020.

Kooxda martida ah ayaa badisay labadii lug ee semi-finalka Carabao Cup ee u dhaxeysay Man Utd iyo Man City iyada oo Man City xilli ciyaareedkii hore ku badisay 3/1 lugtii hore halka ay kulankii lugta 2-aad ku badisay 1/0.

Manchester United ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Man City tartamada oo dhan 2 guul iyo hal bar-baro waliba wax gool ah lagama dhalin laakiin Man United ayaan 4 kulan oo xidhiidh ah ka badbaadin guuldaro tan ilaa bishii February 2011.

Kooxda Martida ah ayaa guul gaadhay kaliya 3 ka mid ah 14-kii kulan ee u dhexeeyay kooxaha Man United iyo man City tartamada oo dhan.

Kulankan ayaa noqon doona Markii 16-aad ee ay Man United ka soo muuqato Semi-finalka Carabao Cup iyada oo Red Devils Final-ka gaadhay 9 jeer laakiin waxa laga badiyay 2 ka mid ah 3-dii Semi-final ee ugu dambeeyay ee tartanka.

2 Comments

  1. Waaryaa halkaad keedaha lugtii danbe city baa badisay waa beentaa goolka united baa lahayd

  2. Waaryaa halkaad leedahay lugtii danbe city baa badisay waa beentaa goolka united baa lahayd

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*