Hordhac: Man United Vs Istanbul Basaksehir: Red Devils Maka Aar Gudan Doontaa Kooxda Reer Turkey.

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku marti galin doonta kooxda istanbul basaksehir kulankii 4-aad ee wareega Group-yada champions League.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha champions League kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen kooxda istanbul basaksehir kulankii hore.

Dhanka kale kooxda istanbul basaksehir oo kaliya hal kulan badisay ayaa doonaysa in ay gaadhaan guul kale oo kor u qaada rajadooda tartanka.

Kulanka: Man United Vs Istanbul Basaksehir

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha reer Turkey Tartamada yurub iyaga oo waliba labadii kulan ee ugu dambeeyay guuldaro la kulmay.

Istanbul Basaksehir ayaa kaliya hal mar soo booqatay England markaas oo ay marti u noqdeen kooxda Burnley kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Europa League waxana ay la kulmeen guuldro 1/0 ah.

Man United ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha reer Turkey ku marti galiyeen Old Trafford tartamada yurub, markii ugu dambaysay ee ay guuldaro kala kulantay garoonkeeda iyaga oo la ciyaaraya koox reer Turkey ah ayaa ahayd November 2009 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Besiktas champions League.

Kooxda Man United ayaa badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub ay ku ciyaartay Old Trafford iyaga oo dhaliyyay 20 gool lagana dhaliyay kaliya hal gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*