Hordhac: Man United Vs Everton: Ancelotti Oo Man United Ku Dhigi Kara Rikoodh Uu Kaliya Jose Mourinho Horay Ugu Dhigay Red Devils.

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Everton kulan adag oo ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul weyn ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa premier League waxana ay doonayaan in ay sii wadaan guulaha.

Dhanka kale Everton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan guulaha kadib markii ay Garaaceen Leeds United kulankoodii ugu dambeeyay.

Kulanka: Man United Vs Everton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib markii ay 6 kulan oo premier League ah ku badin wayday garoonkeeda Man United ayaa badisay 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo dhaliyay 20 gool lagana dhaliyay kaliya 5 gool.

Anthony Martial ayaa dhaliyay ama caawiye 9 gool 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay kooxda Everton tartamada oo dhan.

Everton ayaa dhankeeda isha ku haysa in ay guul gaadho 5 kulan oo xidhiidh ah premier League oo ay marti yihiin markii ugu dambaysay ee ay rikoodhkaas gaadheen waxa ay ahayd bishii April 1970 waxana ay ku guulaysteen horyaalka.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa noqon kara tababarihii -aad ee Man United ku garaaca isaga oo 3 koox oo kala duwan hogaaminaya kadib markii uu Man United kaga soo badiyay isaga oo hogaaminaya kooxaha Ac Milan iyo Chelsea, iyada oo tababaraha kaliya ee haatan sidaas sameeyay yahay Jose Mourinho oo United ku garaacay isaga oo hogaaminaya kooxaha chelsea, Tottenham iyo Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*