Hordhac: Man United Vs Copenhagen: Red Devils Oo Isha Ku Haysa Semi-Final-ka Europa League.

Kooxda Mna United ayaa la ciyaari doonta kooxda Copenhagen kulan ka tirsan 8 Dhamaadka ama Quartert-Final-ka Europa League kulan ka dhici doona garoonka Rheinrgiestadion.

Wareegan ayaan sidii caadiga ahayd loo ciyaari doonin 2 lugood laakiin waa hal kulan oo kaliya iyada oo 2 kooxood ku kala bixi doonaan kulankaas.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay iska xaadiriyaan wareega Semi-final-ka tartan waliba dhaafto Dhanka kale kooxda Copenhagen ayaa doonaysa in ay ka yaabsato Man United kana reebto tartanka iskana xaadiriso wareega xiga ee tartanka.

Kulanka: Man United Vs Copenhagen

Tartanka: Europa League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Rheinrgiestadion

XAQIIQOOYINA KULANKA:

Man United iyo Copenhagen ayaa horay u kulmay 2 jeer iyaga oo wada ciyaaray wareegii Group-yada champions League 2006/2007 markaas oo ay United 3/0 ku badisay garoonka Old Trafford halka ay Copenhagen guul 1/0 ah ka gaadhay Red Devils kulankii 2-aad.

10-kii isku day kooxda Copenhagen ayaa kaliya hal guul ka gaadhay kooxaha England tartamada yurub guushaas ayayna ka gaadhay Man United.

Man United ayaa isha ku haysa in ay gaadho Semi-final-ka tartamada yurub markii 2-aad tan ilaa markii uu Sir Alex Fergusen ka fadhiistay kooxda markii hore ee ay gaadheen waxa ay ku guulaysteen koobka waxana ay ahayd xilli ciyaareedkii 2016/2017.

Xiddiga Man United ee Juan Mata ayaa si toos ah ugu lug lahaa 7 gool 9 kulan oo europa League ah xilli ciyaareedkan 2 gool iyo 5 caawin.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*