Hordhac: Man United Vs Aston Villa: Red Devils Oo Hogaanka Premier League Qaban Doonta Hadii Ay Badiso.

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobaadkii 17-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hogaanka la qaban doona kooxda Liverpool hadii ay badiyaan kulanka ay la ciyaari doonaan Aston Villa.

Dhanka kale kooxda Aston Villa ayaa doonaysa in ay sii wado qaab ciyaareedkooda fiican kulamadii ugu dambeeyay horyaaalka Premier League.

Kulanka: Man United Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Manchester United ayaa badisay kulamada Maalinta Sannadka Cusub in ka badan koox kasta oo kale taariikhda horyaalka Ingiriiska Iyaga oo badiyay 35 kulan.

Man Utd ayaa laga badiyay kaliya seddex ka mid ah 29 kulan oo ay ciyaareen tan iyo markii Bruno Fernandes uu saftay kulankiisii ​​ugu horeysay bilowgii February.

Anwar El Ghazi ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Aston Villa ah ee afar kulan oo isku xigta oo Premier League ah gool dhaliya tan iyo Christian Benteke bishii April 2013.

Aston Villa ayaa dooneysa inay ka fogaato guul darrooyinka xidhiidhka ah ee ay Man United kala kulmayso horaalka Garoonka Old Trafford markii ugu horeysay tan iyo 1997.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*