Hordhac: Man City Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Adag Ee Champions League

Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kulan ka dhici doona Etihad Staduim.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal lug kula wareega wareega 8 dhamaadka kadib guushii 2/1 ahayd ee ay Real Madrid kaga soo gaadheen garoonka Santiago Bernabue.

Dhanka kale kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga ayaa isha ku haya in ay guul soo laabasho leh ka gaadhaan Man City iskana xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka.

Kulanka: Man City Vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Etihad Staduim.

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee champions League ku dhexmara kooxaha Man City iyo Real Madrid garoonka Etihad Staduim labadii kulan ee hore ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah sanadkii 2012/2013 iyo bar-baro 0/0 ah Semi-finalka 2015/2016.

Real Madrid ayaa badisay 5 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League ku ciyaartay England iyaga oo kala garaacay 4 koox oo kala duwan sida Man United, Leeds, Liverpool iyo Tottenham kooxda kaliya ee ayna England ku garaacin ayaa ah Man City.

Tartamada UEFA ee waaweyn Man City ayaa wareega xiga u gudubtay dhamaan kulamadii hore ee bug baxa ee ay guusha soo gaadheen lugta hore ee ay martida yihiin.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay guul soo laabasho leh ka gaadho kulan ka tirsan wareega bug baxa ee champions League markii ugu horaysay tan ilaa 2015/2016 markaas oo ay wareega Quarter-Final ku garaaceen kooxda Wolfsburg iyaag oo 3/0 ku badiyay kana soo laabtay guuldaro 2/0 ah oo ay lugtii hore la kulmeen.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*