Hordhac: Man City Vs Olympiakos: Citizen Oo U Baahan Guul Si Ay U Xaqiiqsato Booskeeda Wareega Xiga Ee UCL

Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda Olympiakos kulankii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo kaliya u baahan guul ay ka gaadhaan kooxda Olympiakos si ay u xaqiiqsadaan booskooda wareega 16-ka tartanka champions League.

Dhanka kale kooxda Olympiakos ayaa isha ku hayasa in ay gaadho guusheedii 2-aad ee tartanka champions League kadib markii ay kulankii hore garaaceen kooxda Porto.

Kulanka: Man City Vs Olympiakos

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Etihad Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha Man City Iyo Olympiakos ayaa markii ugu horaysay isaga hor iman doona kulan tartamada yurub ah.

Man City ayaa kaliya hal kulan la ciyaartay kooxaha ka dhisan dalka Greek waxana ay ka badiyeen kooxda Aris wareega 32 ee tartanka Europa League iyaga oo ku badiyay 3/0.

Olympiakos ayaa laga badiyay 14 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay tartamada yurub booqdeen kooxaha reer England inkasta oo ay badiyeen kulankii ugu dambeeyay kaas oo ah Arsenal.

Tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa laba jeer oo hore kooxda Olympiakos kaga hor tagay tartanka champions League isaga oo labada kulanba badiyay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*