Hordhac: Man City Vs Nottingham Forest : Hantiilayaasha Rikoor 4 Sano Ka Hor Ugu Dambeeysay Ayay Sameyn Karaan

Man City ayaa kulan si sahal u ah waxa ay ku marti gilinayaan Forest  oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 5-aad ee horyaalka Ingiriiska

Xogta Kulanka

*Kulankaan waa kii ugu horeeyay ee labadaan koox tan iyo markii kooxda Forest ay City sedex gool ku garaacday sanadkii 2009-kii xilligaas oo ay heerka labaad joogeen waxa ayna ku garacaeen wareegga 3-aad ee FA Cup-ka

*City kaliya hal kulan oo horyaalka ah ayay ku garaaceen Forest ka dib 6 kulan oo hore , waxa  ayna guushaas timid 1993-dii  halka kulamdii kale ay galeen bar bar dhac

*City haddii kulanaa badiyaan waxa ay nooqneysaa in markii ugu horeeyay tan iyo 2018-kii aysan guul dareysana 5-ta kulan ee  ugu horeeysa horyaalka .

*Haaland 6 gool ayuu dhaliyay horyaalka , kaliya xiddigaha kale ee ka goolal badan 5 tooda kulan ee ugu horeeysay horyaalka waxa ay kala yihiin Mick Quinn oo 8 ah , Aguero 8 , Diego Costa 7