Hordhac: Liverpool Vs West Ham: Reds Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Dhigtay 40 Sano Ka Hor.

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda West Ham kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Anfield.

Liverpool ayaa si Rasmi ah kali ugu noqon karta hogaanka premier League xitaa hadii ay ku meel gaadh tahay waxana ay bar-barayn doontaa rikoodhka guuldaro la’aanta ee 63 kulan ee garoonkeeda waana rikoodh ay markii ugu dambaysay Anfield ku gaadhay intii u dhexaysay February 1978 & December 1980.

Dhanka kale kooxda West Ham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul daro la’aan ah 5 kulan iyaga oo 8 dhibcood ka qaatay kooxaha Wolverhampton Wanderers, Leicester City, Spurs & Manchester City.

Kulanka: Liverpool Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xiddiga Diogo Jota ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee Liverpool ah kaas oo gool dhalya saddexdiisa kulan ee ugu horeeya ee Anfeld tan ilaa Luis Garcia oo sidaas sameeyay bishii October 2004.

Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa midkood ku lug yeeshay sideed gool lix kulan oo uu saftay PL oo uu u saftay Reds kulanka West Ham iyada oo uu Mane shabaqa soo taabtay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor yimid West Ham.

Liverpool ayaa loo taagay kaadhka cas ee ugu badan wakhtiga loo yaqaano Halloween iyada oo loo taagay 3 jeer kuwaas oo kala ah Jason McAteer v Leicester in 1998, Jamie Carragher & Philipp Degen v Fulham 2009.

David Moyes ayaa raadinaya guushiisii ​​ugu horeysay ee Premier League uu ka gaadho Liverpool kadib 16 jeer oo uu isku dayay waana rikoodhkii 2-aad ee ugu dheer ee noocan oo kale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*