Hordhac: Liverpool Vs Midtjylland: Reds Oo Markii Ugu Horaysay La Kulmaysa Kooxda Reer Denmark.

Kooxda Liverpoool ayaa marti galin doonta kooxda Midtjylland kulan ka tirsan kulamadii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul ku bilowday tartanka champions League kadib markii ay soo garaaceen kooxda Ajax todobaadkii hore.

Dhanka kale kooxda Midtjylland ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya guushoodii 1-aad kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Atlanta Todobaadkii hore.

Kulanka: Liverpool Vs Midtjylland

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Anfield.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Midtjylland ayaa noqon doonta kooxdii 3-aad ee ka dhisan dalka Denmark ee Liverpool kaga hor timaada tartamada yurub kadib kooxaha Odense Boldklub iyo Brondby.

Kulankan ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee ay kooxda Midtjylland tartanka champions League kaga hor timaado kooxda ka dhisan dalka England.

Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 26-kii kulan ee tartamada urub ay garoonkeeda ku ciyaartay iyada oo guuldaradaas ahayd tii ka soo gaadhay Atletico Madrid xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*