Hordhac: Liverpool Vs Fulham: Reds Ma Ka Bixi Doontaa Guuldarooyinka Garoonkooda

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Fulham kulan ka tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka Premeir League kana dhici doona Anfield.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo 5 kulan oo xidhiidh ah looga badiyay garoonkooda Anfield waliba ku jira qaab ciyaareed xun marka ay joogaan garoonkooda.

Dhanka kale Fulham ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii 6-aad oo Liverpool ku garaacda garoonkeeda waliba qaab xidhiidh ah.

Kulanka: Liverpool Vs Fulham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa kaliya hal kulan guuldaro kala kulantay Fulham 23-kii kulan ee ay kula ciyaartay garoonka Anfield.

Jurgen Klopp ayaan wax guuldaro ah kala kulmin koox soo dalacday isaga oo ku ciyaaraya garoonkiisa Anfield horyaalka Premier League.

Fulham ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysay ee reer Lonodon ah Liverpool iyo Everton kaga badisa garoonkooda tan ilaa 2015/2016 markaas oo ay Fulham sidaas samaysay.

Fulham ayaan guuldaro la kulmin 7 kulan oo xidhiidh ah kulamada martida horyaalka premier League waana rikoodhkoodii ugu fiicnaa ee taariikhdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*