Hordhac: Liverpool Vs Aston Villa: Reds Oo Ku Dhibaatoonaysa Garoonkeeda Anfield Sanadka 2021.

Liverpool ayaa ciyaareysaa kulan ay dooneyso in ay ka aar gudato Aston Villa oo lugtii hore ee banaanka garoonkooda kala kula soo kulantay guul darro 7/2

Kulanka: Liverpool Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Haddii Aston Villa klulankaan ka badiyaan Liverpool waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay laba jeer horyaalka ku garacaan hal xili ciyaareed gudhiisa tan iyo xilli ciyaareedkii ugu horeeyay horyaalka ee 1992/1993

Lix ka mid ah guulaha Aston Villa ee 13 kulan ee horyaalka ah waxa uu ka dhacay Anfield inkastoo labadii kulan ee la soo dhaafay ay la soo kulmeen guul

Liverpool waa bilaa guul 8 kulan oo horyaalka ah oo ay ku ciyaareen garoonkooda , lix jeer waaa laga badiyay

Mohamed Salah haddii kulankaan uu goolal dhaliyo waxa uu noqonayaa laacibkii ugu horeeyay Liverpool ah oo 20 gool oo PL ah dhaliyaya sedex xilli ciyaareed oo kala duwan , haatan waxa uu leeyahay 18 gool.

Kooxda Aston Villa 8 kulan oo banaanka garoonkooda ah ayay shabaqooda ilaalisadeen xilli ciyaareedkaan iyadoo horyaalka la joogo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*