Hordhac: Liverpool Vs Ac Milan: Labada Kooxood Oo Markii 3-aad Kulamaya

Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku marti galin doonta kooxda Ac Milan kulan adag oo si weyn loo sugayo kana tirsan wareega Group-yada champions League.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay guul ku bilowdaan xilli ciyaareedka champions league Maadama ay garoonkooda ku bilaaban doonto xilli ciyaareedka.

Dhanka kale Ac Milan ayaa dhankooda doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka xilli ciyaareedkan iyaga oo doonaya in ay Liverpool ku garaacaan garoonkooda.

Kulanka: Liverpool Vs Ac Milan

Tartanka: Champions league

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOUINKA KULANKA:

Liverpool iyo Ac Milan ayaa kaliya kulmay laba jeer oo hore waxana ay ku kulmeen final-ka champions League iyada oo laabda kooxood kala qaybsadeen guulaha.

Kadib markii ay guul gaadheen 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ay kooxaha reer Italy marti galiyeen Anfield champions League, Liverpool ayaan wax guul ah gaadhin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Ac Milan ayaa badisay kaliya hal ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha Premier League iyaga oo guusha kaliya ka gaadhay kooxda Arsenal champions League xilli ciyaareedkii 2012.

Tan ilaa 2017/2018 kooxda Liverpool ayaa ah kooxda 3-aad ee guulaha ugu badan champions league iyaga oo gaadhay 25 guul kaliya Man City (30) iyo Bayern Munich (31) ayaa ka guulo badan.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*