Hordhac: Leeds United Vs Liveprool: Mohamed Salah Oo Isha Ku Haya Rikoodh Cajiib Ah.

Kooxda Liverpool ayaa booqan doonta kooxda Leeds United kulan ka tirsan todobaadkii 32-aad ee horyaalka premeir League kulan ka dhici doona garoonka Elland Road.

Liverpool ayaa kulanka u soo galaysa in ay qaab ku meel gaadh ah ula wareegto kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyo waliba in ay gaadho guusheedii 4-aad oo xidhiidh ah.

Dhanka kale kooxda Leeds United oo todobaadkii hore garaacday kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Man City ayaa kulanka u soo galaysa si ay u sii wadaan guulaha horyaalka premir League.

Kulanka: Leeds United Vs Liverpool

Tartanka: Premier league

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Elland Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ka dib guushoodii 2-1 ee ay ka gaareen Manchester City kulankii ugu dambeeyay, Leeds United ayaa noqon karta kooxdii labaad ee taariikhda Premier League ee garaacda hogaamiyaasha iyo kooxda difaacaneysa horyaalka Laba kulan oo isku xiga ka dib markii Everton ay ka badisay Chelsea iyo Manchester United bishii Febraayo 2010.

Leeds waxaa laga dhaliyay 52 gool 25 kulan oo ay la ciyaartay Liverpool, waana in ka badan kooxaha kale ee ka soo horjeeda.

Mohamed Salah ayaa hal gool u jira inuu noqdo ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Liverpool ah ee gaara 20 seddex xilli ciyaareed oo kala duwan horyaalka premier League.

Liverpool ayaa badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay ee ay premier League martida ahaayeen iyo waliba mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Yorkshire.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*