Hordhac: Leeds United Vs Arsenal: Gunners Oo Ka Gacan Saraysa Kooxda Ay Martida U Tahay Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Leeds United kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Elland Road.

Labada Kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada saxda ah kadib guuldarooyinkii ugu dambeeyay ee soo gaadhay.

Kulanka: Leeds United Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Elland Road

XAQIIOOYINKA KULANKA:

Leeds United ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeysay Premier League Laakiin waligood 3 kulan oo xidhiidh ah lagama badin intii uu hogaaminayay tababare Marcelo Bielsa.

Patrick Bamford ayaa dhaliyay 7 gool sideedii kulan ee uu u ciyaaray Leeds, kaliya Mark Viduka oo 9 dhaliyay ayaa ah xiddiga kaliya ee ka badan 8-dii kulan ee ugu horeeyay ee kooxda.

Arsenal ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen Leeds tartamada oo dhan iyagoo badiyay afartii kulan ee ugu danbeysay oo xidhiidh ah waliba dhaliyay 15 gool iyagana laga dhaliyay 4 gool.

Gunners ayaa ah kooxda kaliya ee Premier League ee aan weli laga dhalin gool ka yimid madax xilli ciyaareedkan halka kooxda Leeds Tahay kooxda ugu badan ee laga dhaliyay kubadaha madaxa ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*