Hordhac: Huesca Vs Barcelona: Saaxiibada Lionel Messi Oo Doonaya In Ay Ku Soo Laabtaan Wadada Guulaha.

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda ugu hoosaysa horyaalka La Liga ee Huesca kulan ka tirsan todobaadkii 17-aad kana dhici doona garoonka Estadio El Acoraz.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Eibar kulankii ugu dambeeyay kuna jira kaalinta 6-aad.

Dhanka kale kooxda Huesca ayaa si weyn u dhibaatoonaysa iyaga oo ku jira kaalinta ugu dambaysa waliba kaliya hal kulan badiyay 5-tii kulan ee ugu dambaysay horyaalka.

Kulanka Huesca Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11

Garoonka: Estadio El Acoraz.

Huesca ayaa ku fashilantay in ay badiso labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Barcelona kaga hor tagtay horyaalka La Liga halka ay Isla Barcelona kala kulmeen guuldaradii ugu weynad taariikhdooda taas oo ahayd 8/2.

Tartamada oo dhan Barcelona ayaan guuldaro kala kulmin Huesca 4-tii kulan ee ugu dambeeyay 2 La Liga ah iyo 2 Copa del Rey-ga ah iyada oo Barcelona dhalisay 20 gool.

Kooxda Barcelona ayaan guuldaro la kulmin kulankooda ugu horeeya sanadka cusub 5-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay tan ilaa markii ay guuldaor 1/0 ah kala kulmeen Real Sociedad sanadkii 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*