Hordhac: Fulham Vs Liverpool: Reds Oo Ku Dhibaatootay Kulamada Fulham Kulmadii Ugu Dambeeyay

Kooxda Liverpool ayaa bilaaban doonta xilli ciyaareedka cusub ee premier League iyada oo marti u noqon doonta kooxda Fulham kulan ka dhici doona garoonka Craven Cottage.

Liverpool ayaa isha ku haysa in ay guul ku bilaabato premier League xilli ciyaareedka cusub kana talaabsato kooxda ku soo laabatay premier League ee Fulham.

Dhinaca kale kooxda Fulhma ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabatay ku soo laabashada premier League xilli ciyaareedkan waliba garoonkeeda ku garaaacdo Reds.

Kulanka: Fulham Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Craven Cottage.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Fulham ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Liverpool labadii kulan ee ay premier League ka hor tagtay xilli ciyaareedkii 2020/2021 iyaga oo hal kulan ka badiyay mid kalena bar-baro ku qabtay.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa guuldaro kala kulmay tababaraha Fulham ee Marco Silva kulankiisii ugu horeeyay ee premier League sanadkii 2017 markaas oo ay Hull City 2/0 ku garaacday liverpool, wixii itaas ka dambeeyay Klopp ayaan guuldaro kala kulmin Marco Silva.

Liverpool ayaa badisay kulankooda ugu horeeya premier League 4-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyaga oo dhaliyay ugu yaraan 3 gool guul kasta.

Fulham ayaan wax guul ah ka gaadhin premier League 10-kii kulan ee ugu dambeeyay iyada oo guushoodii ugu dambaysay ahayd midkii ay 1/0 kaga gaadheen Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*