Hordhac: Fc Porto Vs Liverpool: Reds Oo Isha Ku Haysa Guusheedii 2-aad Ee Champions League

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Fc Porto kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada champions League kulan ka dhici doona garoonka Estadio do Dragao.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haysa in ay gaadhaan guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah Champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Ac Milan kulankii hore.

Dhanka kale kooxda Fc Porto ayaa dhankeeda doonaysa in ay gaadho guusheedii 1-aad kadib markii ay bar-baro la gashay Atletico Madrid kulankii hore ee ay ciyaartay.

Kulanka: Fc Porto Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoona: Estadio do Dragao

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Fc Porto ayaa wajahday Liverpool 8 mar oo hore tartamada yurub iyaga oo 6 ka mid ah isaga hor yimid champions League iyaga oo raadinaya guushoodii ugu horaysay.

Kulankan ayaa noqon doona markii 5-aad ee ay Liverpool wajahday Fc Porto champions League tan ilaa markii uu Klopp noqday tababaraha Kooxda waxa ay badiyeen 3 kulan, waxa ay dhaliyeen 11 gool waxana ay shabaqooda ilaashadeen 3 kulan.

Fc Porto ayaa kaliya Liverpool ka dhalisay hal gool champions League intii uu Klopp hogaaminayay kooxda inkasta oo ay 45 laad ku laageen goolka Liverpool halka ay Reds dhalisay 11 gool 54 laad oo ay heleen.

Livrpool ayaan laga badin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega Group-yada ay martida ahaayeen champions League iyaga oo shabaqooda ilaashaday 3 ka mid ah 4-ta guul ee ay gaadheen.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*