Hordhac: Everton Vs Man City: Citizen Oo Isha Ku Haysa In Ay Boodhka Ka Jafato Rikoodh Ay Horay Uga Dhigtay FA Cup-ka

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Everton kulan ka tirsan Quarter-Final FA Cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Goodison Park.

Kooxda Man City kulanka soo galaysa Iyaga oo doonaya in ay sii wadaan u dagaalanka tartamada ay ku jirto xilli ciyaareedkan siina wado u dagaalanka tartanka FA Cup-ka.

Dhanka kale kooxda Everton ayaa doonaysa in ay joojiso Man City kana reebto FA Cup-ka xilli ciyaareedkan iyo waliba in ay kooxda Pep Guardiola dusha u saarto guuldaro.

Kulanka: Everton Vs Man City

Garoonka: Goodison Park

Wakhtiga: 8:30

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee FA Cup-ka ay isaga hor yimaadaan kooxaha Everton iyo Man City tan ilaa 1980/1981 markaas oo ay Isaga hor yimaadeen Quarter Final-ka FA Cup-ka waliba markaas 3/1 ku badisay Man City.

Man City ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Everton iyada oo ay dhamaan kulamadaas ahaayeen premeir League.

Markii ugu dambeeyay ee ay Everton Gaadhay Semi-final-ka FA Cup-ka waxa ay ahayd xilli ciyaareedkii 2015/2016 halka laga badiyay dhamaan 5-tii kulan ee ay FA Cup-ka la ciyaartay koox premier League ah.

Man City ayaa isha ku haysa in ay gaadho Semi-final-ka FA Cup-ka markii 3-aad oo xidhiidh ah markii ugu horaysay tan ilaa 1931/1932 iyo 1933/1934.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*