Hordhac: Espanyol Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Rikoodh Cajiib Ah Ku leh Espanyol

Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Espanyol kulan ka tirsan La Liga todobaadkii 8-aad iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee champions leageu.

Dhanka kale kooxda Espanyol ayaa doonaysa in ay Real Madrid ku garaacdo kulanka waliba dhibco ka qaadato kaan faa’iidaysto Niyad jabka Los Blancos ku jirto.

Kulanka: Espanyol Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 5:15

Garoonka: Cornella-El Prat.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Espanyol ayaa Real Madrid kala kulantay 104 guuldaro 172 kulan oo ay kaga hor tagtay la Liga waana kooxda ugu badan ee ay Guuldaro kala kulantay taariikhda tartanka.

Real Madrid ayaa badisay 20 ka mid ah 23-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la kulantay Espanyol horyaalka La Liga iyaga oo dhaliyay 61 gool shabaqoodana ilaashaday 17 kulan lagana dhaliyay 8 gool.

Real Madrid ayaan guuldaro kala kulmin Espanyol 9 ka mid ah 11-kii kulan ee ay ku booqatay garoonkooda Cornella-El Prat.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*