Hordhac: England Vs Italy: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Final-ka Euro 2020: Xulkee Calaf U Yeelan Doona?

Xulalka Italy iyo Spain ayaa isaga hor iman doona final-ka euro 2020 kulan ka dhici doona garoonka Wembley kulan si weyn looga sugayo adduunka kubada cagta.

Xulka Italy ayaa kulanka soo galaya iyaga oo qaab ciyaareed fiican waliba doonaya in ay ku dhamaystaaan kor u qaadista koobka ugu qiimaha weyn qaarada yurub kubada caalamiga ah.

Dhanka kale xulka England ayaa kulanka u soo galaya in ay soo afjaraan abaarta ka haysata koobka qaramada qaarada yurub kuna guulaystaan koobkoodii ugu horeeyay ee weynaa muddo aad u dheer.

Kulanka: England Vs Italy

Tartanka: Euro 2020

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon dona markii 10-aad ee uu xulka Italy iska xaadiriyay Final tartamada waaweyn ee koobka adduunka iyo Euro-da kaliya xulka Germany oo 14 iska xaadriyay ayaa ka badan.

Kulankan ayaa noqon doona markii ugu horaysay ee uu Xulka England iska xaadiriyo Final-ka tartanka Euro-da iyo waliba markii ugu horaysay ee ay iska xaadiriyaan final tartan weyn tan ilaa 1966 markaas oo ay ku guulaysteen koobka adduunka.

Xulka England ayaa ah xulkii 13-aad ee iska xaadiriyay Final-ka tartanka euro-da kaliya 3 ka mid ah 12-kii xul ee hore ayaa laga badiyay kulankoodii ugu horeeyay ee final-ka tartanka.

Xulka Italy ayaa kaalinta 2-aad ka gadhay tartanka Euro-da 2 jeer iyaga oo guuldarooyin kala kulmay xulalka Spain iyo france sanadihii 2000 iyo 2012 kaliya Germany ayaa ka badan marka laga hadlayo xulka kaalinta 2-aad ka gala tartanka iyaga oo 3 jeer lagu garaacay final-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*