Hordhac: Dynamo Kyiv Vs Barcelona: Wiilasha Koeman Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kooxaha Reer Ukraine

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqonaysa kooxda Dynamo Kyiv kulankii 4-aad ee wareega Gorup-yada tartanka champions League kana dhici doona garoonka NSC Olimplyskly.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hogaaminaya Group-ka kadib 3 guul oo ay gaadheen waxana ay isha ku hayaan in ay xaqiiqsanaad kaalinta 1-aad ee Grop-kooda.

Dhanka kale kooxda Dynamo Kyiv ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guushoodii ugu horaysay ka gaadhaan tartanka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Dynamo Kyiv Vs Barcelona

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: NSC Olimplyskly.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 8-aad oo ay kooxaha Dynamo Kiev iyo Barcelona isaga hor yimaadaan tartamada yurub iyada oo Kiev badisay 2 kulan 5 kulana Barcelona badisay.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Barcelona booqatay Dynamo Kiev waxa uu ahaa December 2009 waxana ay ku badiyeen 2/1 ay kala dhaliyeen Xavi iyo Messi.

Barcelona ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League booqatay Ukraine iyaga oo kala badiyay Shakhtar Donetsk 2 jeer iyo Dynamo Kiev hal mar.

Dynamo Kiev ayaa badisay kaliya hal kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee champions League iyaga oo aan waliba badin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay kulan kastana laga dhaliyay ugu yaraan 2 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*