Hordhac: Deportivo Alaves Vs Real Madrid: Los Blancos Oo U Baahan Guul Ay Wadada Guulaha Ku Soo Laabato.

Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Kooxda Deportivo Alaves kulan ka dhici doona garoonka Mendizorroza kana tirsan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku qasban in ay guul gaadhaan si ay ugu soo laabtaan wadada saxda ah kadib natiijooyinkii xumaa ee kulamadii ugu dambeeyay.

Los Blancos ayaan guul gaadhin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan iyaga oo 2 kulan laga badiyay hal kulana bar-baro galay.

Dhanka kale Deportivo Alaves ayaa ku jirta qaab ciyaareed xun iyada oo laga badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Deportivo Alaves Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Mendizorroza

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib guushii 2/1 ahayd ee ay ka gaadhay Real Madrid kulankii hore ee horyaalka xilli ciyaareedkan Deportivo Alaves ayaa markii ugu horaysay laba kulan oo xidhiidh ah ka badin karta Real Madrid horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya 2 kulan oo ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Alaves horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaan guuldaro kala kulmin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay kooxaha reer Basques kadib markii ay guuldaro kala kulantay 3 kulan oo hore.

Kooxda Deportivo Alaves ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha reer Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*