Hordhac: Crystal Palace Vs Liverpool: Reds Oo Doonaysa In Ay Ka Faa’iidaysato Kufista Hogaamiyayaasha

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guul kadib markii ay hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City dhibco lumiyeen todobaadkan.

Dhanka kale Crystal Palace oo qaab ciyaareed fiican ku jirta xilli ciyaareedkan ayaa doonaysa in ay sii wado qaab ciyaareedkeeda horyaalka premier League.

Kulanka: Crystal Palace Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Selhurst Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Isagoo ku bilaabay labo gool kulankii xilli ciyaareedkii hore, mid kasta oo ka mid ah 10-kii gool ee ugu dambeeyay uu Roberto Firmino u dhaliyay Premier League Liverpool ayaa ku yimid meel ka baxsan garoonkeeda. Marka la eego taariikhda tartanka, kaliya seddex Xiddig ayaa kaga dheeraa in ayna gool ku dhalin garoonkooda.

Crystal Palace ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay la ciyaartay kooxaha maalintaan ku jira seddexda kooxood ee ugu sareysa horyaalka iyagoo 3-0 ku garaacay Spurs 3-0 iyo Man City 2-0 xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa badisay lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee ay u safartay Crystal Palace, iyagoo dhaliyay 19 gool kulamadaan oo ay ku jirto guushii 7-0 ee xilli ciyaareedkii hore.

Conor Gallagher waxa uu si toos ah ugu lug lahaa 10 gool oo Premier League ah 18 kulan oo uu u saftay Palace xilli ciyaareedkan (toddoba gool, saddex caawiye), isagoo gaadhay 10 gool/caawintii kulamadii ugu yaraa ee uu u ciyaaray kooxda Crystal Palace kadib Andrew Johnson 2004/05 (17 kulan).